Macalin Dugsi Qur’aan Oo Lagu Sumeeyay Magaalada Beledweyne

0

Dhacdo aad u xanuun badan oo Dadka degaanka fajac iyo argagax ku abuurtay ayaa xalay ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii Macalin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqaannay Magaaladaasi ay xaaskiisu Raashiinkii xiligii cashada ay ugu dartay sun, sida dadka degaanku ay soo wariyeen.

Dhacdadaasi ayaa ka dhacday xaafadda Xaawa-taako ee magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in Macalinka oo lahaa Dugsi Qur’aan uu sababsaday gacanta xaaskiisa oo la sheegay in ay Sumeysay, iyadoo ilaa hadda arrintaasi ay dadweynaha Magaaladaasi ay hadal hayaan.

Marxuumka ayaa lagu Magacaabaa Cumar Macalin Maxamed, waxaana uu ka mid ahaa Macalimiinta muddada dheer ka shaqaynayay magaaladaasi Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, lamana oga sababta rasmiga ah ee Xaaskiisa ku qasabtay in ay Sumeyso Macalinka, oo la sheegay in Muddo kooban ay wada joogeen.

Wararka aan helayno ayaa waxaa ay ku warramayaan in Laamaha amniga ee magaalada Beledweyne ay gacanta ku dhigeen Xaaska dhacdadaasi geeysatay, ayna ku socdaan baaritaanno culus.

Dhaqaatiirta Cisbitaalka la geeyay Marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu u geeriyooday Sun, waxaana wali socda Baaritaanno dheeraad ah oo ku aaddan kiiskaasi Naxdinta leh, iyadoo gacanta lagu hayo Haweenaydii ahayd Xaaska Marxuumka, taasi oo sida la sheegay sabab u ahaud geeridiisa.

Dhacdadaasi ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ilaa iyo hadda aan la shaacin sababta Haweenaydaasi ku qasabtay in ay Seygeeda Sumeyso.