Cumar Filish Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan aan caadi aheyn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka, kaasi oo looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga Bulshada, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobalka Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada Hoose ee Xamar.

Shirka ayaa la isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro Wacyigelinta, ka hortaga Mukhaadaraadka iyo Sugida Amniga Shacabka kuwaasi oo Todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Muqdisho.