Wasiir Khadiija oo u jawaabtay wasiirka Isboortiga Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in wasaaradda marki uu la wareegayey in aysan lahayn xafiis lagu shaqeeyo.

Wasiirka wuxuu sheegay in wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen.

Markii weydiiyey halka lagu shaqeeyana waxaa loo sheegay iney wasaaraddu lahayn xaruun ay ku shaqeyso shirarkana lagu qabto huteellada iyo xaafadaha.

“Muddo seddex bilood waxayigu qaadatay wasaarada inaan dejiyo, xafiis u raadiyo, shaqalaha howlgeliyo si wasaaraddu shaqadeeda ay u qabsato” ayuu yiri wasiirku.

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya, Khadiija Max’ed Diiriye, ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, ee xukuumadda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa .

Wasiiradda oo qoraal kooban soo dhigtay boggeeda Facebook waxay ku tiri: “Wasiir Xildhibaan Xamse Xusuuso haddad xis-leedahay Abboowe”.

Iyada oo qoraalkaasi kooban ee ay ugu jawaabeyso Waziir Xamse soo raacisay Khudbad ay wasiirad Khadiijo jeedisay xilli ay xil wareejin dhaceysay.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa xilka wasiirnimo loo magacaabay bishii Oktober ee sanadkii 2020kii.