RW Rooble Oo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Kala Hadlay Doorashada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Xildhibaanada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo diyaar garowga doorashada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Xildhibaanada u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta Gobolada Waqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaanada u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi” ayaa lagu yiri Qoraalka, waxaana kulanka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi (Somaliland) uu khilaaf xoogan ka dhexeeyo, isla markaana ay xubnaha Guddiga kala dageen laba hotel, ayna doorteen Guddoono iska soo horjeeda.

Xubnaha Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ayaa ah guddiga horay loogu kala qeybiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, halka saddex xubnood kale laga soo magacaabay Xafiiska RW Rooble.