Maraykanka oo ka gaabinaya duqeymaha uu ka fulin jaray gudaha Soomaaliya

0

Dagaalkii Mareykanka ee ka dhanka ahaa dagaalamayaasha  Al-Shabaab, ayaa hoos u dhacay tan iyo markii madaxweynaha cusub ee dalkaasi uu xafiiska yimid iyadoo Mr Biden uu  ahmiyadiisa koowaad siiyey amniga-qaranka iyo la halganka sidii uu wax uga badali lahaa go’aano uu hore u dhigay madaxweynihii hore ee dalkaas.

Bilihii ugu danbeyey  ee madaxweynenimadiisa, Mr Trump wuxuu amar ku bixiyay in si deg deg ah gudaha Soomaaliya looga saaro ku dhowaad 650 ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ah kuwaas oo ka qeyb qaadan jaray tababarka ciidamada kumaandooska Danab si ay ula dagaallamaan al-Shabaab.

Maraykanka ayaa ciidamadiisa u raray inta badan dalalkii deriska la ah Soomaaliya sida Jabuuti iyo Kenya islamarkaana aysan wali qaadin howlgalo ka dhan ah AL-shabaab.

Maamulka Mr Biden wuxuu wadaa dib u eegis caalami ah oo ku saabsan ciidamo Mareykan ah oo la geeyay dibedda. Go’aannada uu madaxweynuhu wajahayo waxaa ka mid ah in dib loogu soo celiyo ciidammada maraykanka gudaha Soomaaliya.

Mudane Biden wuxuu sidoo kale wajahayaa su’aasha ah in dib loo bilaabo weerarada cirka ee ka dhanka ah al-Shabaab, kooxda xagjirka ah ee ka soo baxday qalalaasaha ka dhashay jahwareerkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka ee Biden wuxuu sidoo kale wajahayaa su’aasha ah in dib loo bilaabo weerarada cirka ee ka dhanka ah al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidamada Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xaalada amaan ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha AL-shabaab ee diyaaradaha maraykanka ay ka fulin jareen.

Weerarrada cirka ayaana waxa ay u kala qaybsameen laba qaybood oo kala ah duqeymo qorshaysan oo lagu qaado hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee al-Shabaab, iyo taageero deg deg ah oo la siiyo ciidamada Mareykanka ama kuwa xoogga dalka ee dagaalka kula jira AL-shabaab.

Sarkal  sare oo hore oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciidammada Mareykanka aaney marna la joogin gacan siinta ciidamada xoogga dalka, inkastoo uu tilmaamay in aysan jirin howlgallo dhacay  tan iyo markii Mr Biden la caleemo saaray xafiiska.

Afhayeen uhadashay Taliska Afrika ayaa diiday inay sharaxdo sababaha keenay hakadka ku yimid duqeymaha diyaaradaha Maraykanka ka fulin jareen inta bada qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka kuwaas oo lagu bartilmaamedsan jaray dagaalamayasha AL-shabaab.

“Waa wax iska caadi ah in dowladda Mareykanku ay dib ugu celiso mas’uuliyiinta shaqo joojinta heerka ugu sarreeya ee go’aan qaadayaasha ka dib isbadel lagu sameeyay maamulka,” ayuu yiri Maj. Gen. William Zana, oo ah abaanduulaha howlgalka Mareykanka ee Geeska Afrika. “Military ahaan, waxaan ka faa’iideysaneynaa in mas’uuliyiintaas dib loogu celiyo heer kufilan oo howlkar wax ku ool ah.”

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha dalka Maraykanka ma jirin wax howlgalo ah oo ay sameeyeen ciidamada Maraykanka ee ka howlgala dalka kadib markii uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump in ciidamada Marayakanka ee kus sugan Soomaaliya laga saaro.