Wasiirada Amniga ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ay yeesheen magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah ula dagaalamaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale la isku afgartay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug, islamarkaana gabi ahaanba laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay sameeysanayaan iskaashi dhinaca Amniga ah, isla markaana ay la dagaalamayaan Al-Shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.