Taliye Aadan “Waxaan ku jirnaa dagaalka Al-shabaab”

0

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee gobalka Mudug dhanka Puntalnd Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa waxa uu ka hadlay howlgallada ka dhanka dagaalamayaasha AL-shabaab iyo daacishta ka dagaalama Soomaaliya ee ka socda qeybo badan oo kamid ah gobolka Mudug kuwaas oo ay wadaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya.

Howlgaladaas oo si wadajir ah ay isaga kaashanayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana ay saraakiisha hogaamineysay ay sheegeen iney howlgalladaas ay ka gaareen guulo sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaha ayaa waxa uu baaq u diray shacabka ku dhaqan deegnaada maamulka Puntland kaas oo ku aadan iney ka qeyb qaataan xaqiijinta amniga, waxaana uu tilmaamay iney dagaalamayaasha AL-shabaab ay xiligan bilaabeen qorshayaal cusub oo ay ku fuliyaan weerarada ay geystaan inta badan.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee gobalka Mudug dhanka Puntalnd Gaashaanle sare Aadan Nuur ayaa shaaca ka qaaday ayaa in dagaalka lagula jiro AL-shabaab uu hada maraayo meel fiican sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu ciidamada qalabka sida ugu baaqay iney kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab, shacabkana ay ciidamada ka gacan siiyaan ka hortaga weerarada ay fuliyaan AL-shabaab gaar ahaan shacabka ku nool Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in cidii aan ka howlgalin dagaalka lagula jiro AL-shabaab ay u aqoonsan doonan iney kamid yihiin AL-shabaab.

Gaashaanle sare Aadan Nuur Qaal ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xiriira rag ay Puntland xukuno kala duwan ku riday kuwaas oo lagu soo eedeeyey iney kamid yihiin dagaalamayaasha AL-shabaab, waxaana uu sheegay in dadkaas ay kamid yihiin AL-shabaab.

Ciidamada dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo ka waday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug.