Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Muddo Kadib Ku Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo muddooyinkii dambe dalka ka maqnaa ayaa Maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Guddoomiye Mursal kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa muddooyinkii dambe safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, isagoo halkaas kulamo kala duwan kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga iyo xubno kale.

Inta badan Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa xiliyada qaarkood safaro shaqo u aada dhinaca dalka Turkiga oo kamid ah dowladdaha xirirka dhow la leh dowladda Soomaaliya, isla markaana ka taageero dhinacyo kala duwan.