MW Laftagareen oo ka qeygbalay shirka golaha wasiirada gobol ka tirsan Nigeria

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta furay shir ay lahaayeen golaha wasiirada maamul goboleedka Kaduna ee dalka Nigeria.

Laftagareen ayaa casuumaad ka helay maamulka Kaduna si laisku dhaafsado fikrado ku saabsan sida nidaamka federaalka uu uga shaqeeyo Nigeria.

Wafddiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Nigeria, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka xilli lagu casuumay in uu ka qeybgalo shirka ay lahaayeen golaha wasiirada maamulkaas.