Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan lagu diley sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Alshabaab.
Howlgalkan ayuu ku sheegay General Odowaa inuu lagu diley Maxamed Cabdi Suubiye “Toosow” oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee dagaalamayaasha Alshabaab u qaabilsan gobolka Sh/dhexe.
“Howlgalkan waxaa laga fuliyay deegaan ka tirsan degmada Aadan Yabaal laguna magacaabo Dara Salaam,”ayuu yiri General Odowaa oo u waramayay idaacada codka ciidamada.
Tan iyo bartamihii bishii la soo dhaafay waxaa xoogaysanayay dagaalada ay isaga horimanayaan ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Alshabaab gaar ahaan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.