Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Dagaalkii Ka Dhacay Baladweyne

0

Waxaa weli kacsan xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo xalay ilaa iyo saakay ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka dhacay uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana uu ku geeriyooday hal qof, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidanka Jabhada Jeneraal Xuud oo markii horey weerar kusoo galay Baladweyne ayaa waxaa la tilmaamay inay dib uga laabteen halkaas, hayeeshee gudaha Magaalada laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ayaa lagu arkayaa waddooyinka Magaalada iyaga taagan, isla markaana xiray jadadk oo ay u diidayaan inay maraan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan dagaalkii kasaaraha geystay ee xalay iyo saakay ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad ee Baladweyne, una dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jabhada Xuud.

Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud ayaa kasoo horjeeda Shirka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta markii ugu horreysay lagu qabanayo Baladweyne tan iyo markii la doortay Madaxweyne Cali Guudlaawe.