Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda degaan u dhexeeya Magaalada Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee Gobolka Galagduud.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad oo howlgal qorsheysan ka waday degaanka Tuula-xaayow ee Galagduud.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana howlgalka uu sii socon doono, kaasi oo tilmaameen in lagu xaqiijinayo amniga.
Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socday deegaanka Tuula-xaayow ee ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee Gobolka Galagduud.
Dhawaan ayey markii Al-shabaab weerar khasaaro geystay ku qaadeen degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo dhexmaray Ciidanka Galmudug, dadka iyo Al-shabaab.