DF dib u howgalisay safaarada Soomaliya ee dalka Kenya

0

Xilli hakad uu ku jiray muddo lix bilaad shaqadii safaraada Soomaaliya ee maagalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya  kadib khilaaf   soo kala dhexgalay wadamada  Soomaaliya iyo kenya ayaa hadda  waxa dib loo howlgaliyey shaqadii  safaradaa Soomaaliya u heysay bulshada Soomaaliyeed ee  ku nol dalkaas kadib markii labada dal sida ay sheegeen xal ka garen khilaaf in muddo u dhaxeeyey.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed  Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasbad shalay ka dhacday xarunta safaraada Soomaaliya ee Nairobi ayaa sheegay in safaarada hataan dib  loo howlgaliyey shaqada ugu horeysana ay bilaabi doonto  isniinta soo socta ee todobaadkan.

Dalka Kenya waxaa ku nool soomali aad u fara badan kuwaaas oo dhawaan sheegay in dhibaatao ay ku qabeen xirnaanshiyaha safarada   Soomaaliya ee dalka Nairobi.

Waxana qarkood hatan sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin dib u furista safarada Soomaaliya ee Kenya.

Khilaaf  muddo u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo gaaray abid meeshii ugu adkeed sabab faragelin ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay dhaawan waxaa labada dal ay sheegeen in xal ka gareen khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey.