Kenya oo cabsi ka qabta in ay abaaro ku dhuftaan gobolka waqooyi bari

0

Dowladda Kenya ayaa ka digtey iney halis uggu jiraan abaar saddex is maamul, sababo la xiriira roob yari, xili soomaali badan ay ku nool yihiin

Dowladda dhexe ayaa kala shaqeyneysa madaxda maamuladani kaalmeynta qoysaska ay saameeyeen abaartan, sida uu sheegay wasiirka maamul hoos u daadajinta Kenya, Eugene Wamalwa.

Xoolaha ay leeyihiin bulshooyinka xoolo dhaqatada sida is maamulada Marsabit, Turkana iyo Mandera, ayaa u dhintey sababo macaluul xun oo jirta.

Tani ayaa keeneysa in goobahan lagu sifeeyo goobo halis uggu jira iney ka dhacdo abaar.

Dadka iyo qoysaska ay saameysay macaluushan xun, ayaa loo qeybinayaa lacag, iyo in loo sameeyo biyo dhaamin.

Wasiir Eugene Wamalwa ayaa intaa ku darey in dhammaan is maamulada kale ay raacaan shuruucda la dajiyey ee la xiriirta is baddalka cimilada, si ay awood uggu yeeshaan iney la dagaalamaan macaluusha xun ee jirta.