XOG: Dufcadii u horeysay ee ciidanka Eritrea loo qaaday oo Muqdisho ku soo wajahan.

0

Dowladda Somaaliya oo wali wajaheysa culeyska ka dhashay askartii tababarka loogu qaaday Eritrea lana soo wariyay in dagaalka Itoobiya laga qeyb galiyay, ayaa maalmaha soo aadan waxay dalka keeneysaa dufcadii ugu horeysay ee askartaasi.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa warbaahinta si hoose ula wadaagay in dufcadii ugu horeysay ee askartii tababarka loo geeyay Eritrea la keenayo todobaadyada soo socda, iyadoo uu arintaani si gaar ah maalmahan uga shaqeynayay taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi Dheere.

Xogta ayaa muujineysa in Col. Cabdullahi Dheere oo todobaadkii hore liiska dhalinyarada soo saaray uu suurto galiyay in waalidiinta qaarkood lala hadalsiiyay caruurtooda tababarka ku maqan.

Liis muujinaya magacyada askarta iyo xogtooda kale sida magaca hooyada iyo da’da ayaa mar kale warbaahinta loo soo dusiyay, waxaana ay yihiin sida wararku sheegayaan askarta tababarka Eritrea usoo dhamaaday ee goordhaw Muqdisho la keenayo.

Ilo ka agdhaw xafiiska Cabdullahi Dheere ee NISA ayaa sheegay in askarta maalmaha soo socda Muqdisho la keenayo ay yihiin dufcadii u horeysay ee ciidanka tababarka Eritrea loogu qaaday, waxayna tiradooda gaareysaa sida ay hadalka u dhigeen 430 askari.