Maxkamada ciidamada qalabka oo dhageysan doonto dacwad loo haystay ajaanib lagu eedeeyay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliy ayaa maanta dhageysan doonto labo eedeysane oo ajnabi ah kuwaas oo loo heysto kamid ahaanshaha argagaxisada Alshabaab.

Labada eedeysane ayaa u kala dhashay dalalka Malaysia iyo Britain.

Labadan eedaysane ayaa loo haystaa inay dalka ku soo galeen sifo sharci darro iyo inay ka barbar dagaaalameen kooxda Alshabaab, Waxaana loo haystaa in mudadii ay Soomaaliya joogeen inay gaysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weeraro argagaxasinimo.

Al-shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama dad ajaanib ah, kuwaasi oo badankooda lagu dilay weeraro ka dhacay gudaha dalka.