Waxaa xalay koox hubeysan ay magaalada Muqdisho ku dhaawaceen Weriye Hanad Cali Gulleeed, oo ka tirsan idaacadda Goobjoog.
Wararka ayaa sheegaya in koox ku hubeysan toorey ama mindi ay dhaawac u geysteen weriyaha, islamarkaana waxaa ay ka qaateen taleefoonadii uu watay.
Hanad Cali Guleed ayaa sheegay in afar dhalin yaro ah ay tooray ku weerareen, isagoona sheegay in dhaawac ay u geysteen kooxdaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadku ay qaati ka taaganyihiin koox burcad ah oo dadka xiligii habeenkii taleefoonada ka dhaca.