Wafdi Ka Socda Xukuumadda Xilgaarsiinta Oo Ku Wajahan Baladweyne

0

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku wajahan wafdi ka socda Xukuumadda xilgaarsiinta oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda.

Ujeedka wafdigaan Wasiir Saciid Xuseen Ciid oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano, iyo Safiiro ayaa waxaa uu yahay sidii Baladweyne uga dhagax dhigi lahaayeen mashaariicda wax ka qabshada Fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Sidoo kale Wafdiga ayaa la kulmi doona Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddiga Fatahaadaha Hirshabeelle, iyagoona kala hadli doona dardar-gelinta mashaariicda laga fulin doono Baladweyne ee wax looga qabanayo dhibaatada Fatahaadaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beerah iyo Waraabka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo xubno kale oo horudhac ha wafdiga Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa horey u tegay Baladweyne.

Webiga Shabeelle ayaa fatahaado saameyn ku yeesha dadka ka sameeya deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana xiligaan siweyn Webiga ugu fatahay Shabeellaha Dhexe oo Caasimadda Hirshabeelle ay Go’doomiyeen biyaha fatahaada.