Turkiga Oo Wada Qorshe Somalia Uga Dhisanayo Saldhig Laga Gano Dayax-Gacmeed

0

Dowladda Turkiga ayaa la sheega inay Wada-hadal ugu jraan sidii ay Somalia ugu yeelan lahaayeen Saldhig loo adeegsado Dayax-gacmeedka iyo Hawlgalladda Dayaxa.

Shabakadda Wararka ee GCR oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay inay Dowladda Turkiga wada-hadal kula jiraan saddex Waddan oo ay ka doonayaan inay ka taageeraan Horumarinta Saldhig Hawada Sare oo ay ka yegleelaan Somalia iyo Gantaal loo adeegsado Ku-degista Dayaxa.

Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Serdar Xuseen Yildirim ayaa hadalkaasi ku sheega Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Raashiya ee Sputnjik, xilli uu ka qeyb galayey  Shirka Sahminta Hawada Sare oo bishan June 14-dii ilaa 18-dii ka dhacay magaalladda Sant Petersburg ee dalka Raashiya.

Inkastoo uusan Mas’uulkaasi soo hadal-qaadin dalalka ay quudaraynayaan inay ka dhistaan Saldhig Dayax-gacmeed, balse waxa uu tilmaamay inay Raashiya ka mid tahay dalalkaasi.

Shabakadda Wararka ee GCR waxay qortay in bishii Feberaayo ee la soo dhaafay la soo weriyey inay Dowladda Turkiga ka fekerayso Dhismaha Deked Hawada Sare ee Somalia , taasi oo qeyb ka ah Qorshe ay ku bixi doonto lacag dhan Hal Billion oo Dollar ($1billion) oo lagu horumarinayo Barnaamijka Sahminta Hawada Sare.

Dhinaca kale, Waraysi uu Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Serdar Xuseen Yildirim bixiyey sanadkii hore waxa uu ku sheegay inay ka shaqeynayaan ku-dhawaad 50 Mashaariic kala duwan, isla markaaa ay wada-hadalo kula jiraan 20 Waddan  si ay isaga kaashadaan Hawada Sare.

Wuxuuna dalalkaasi ka carabaabay Ukraine, Kazakhstan, Russia, Japan, China, Pakistan, India iyo Azerbaijan.