Mareykanka Oo Hawada Ka Saaray Websaytyo Laga Leeyahay Iiraan

0

Wasaaradda Caddaladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawada ka saareen 33 Shabakado Warar ama Websaytyo oo xiriir la leh Dowladda Iran, isla markaana lag baahin jirey Warar Been Abuur ah, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraal ka soo baxay Waaxyaha Garsoorka iyo Ganacsiga ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay gacanta ku dhigeen Websayto ay leeyihjiin Ururka Idaacadaha iyo Telefishinka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran, oo ay Dowladda Maraykanka horey u calaamadaysteen bishii October ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Saraakiisha Maraykanka waxay ku eedeeyeen Warbaahinada la xayiray horey u baahiyeen Warar aan Xaqiiqo ahayn oo ku aadanaa Marin-hjabaabinta Doorashadii Madaxtinimada Maraykanka ka dhacday dabayaaqadii sanadkii hore.

Dhinaca kale, Maraykanka waxay sheegeen inay xayireen 3 Websayt oo ay Ururka Xisbullaahi Lubnaan leeyihiin iyo Telefishinka Al-Masiirah ee Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Websaytyada la xayiray oo ay ka mid yihiin PRESS TV, AL-ALAM TV, AL-MASIIRAH TV ayaa hawada ka maqan, waxayna Wakaalladda Rasmiga ee Wararka u faafisa Iran ee IRNA sheegtay inay Dowladda Marykanka ka dambaysay falka lagu xayiray Waraabinaadaasi.

Marka la booqdo Websaytyadaasi waxaa saaran Ogeysiis ay Dowladda Maraykanka soo dhigtay, kuna sheegtay in loo xiray sababo qeyb ka ah Xoojinta Sharciga.