Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Oo Magacaabay Guddi Cusub

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa Magacaabay Guddi heer Wasiir oo soo dhaweynaya wufuud Caalami ah oo ku wajahan deegaanada Maamulka.

Wareegto uu soo saaray Yuusuf Daba-geed ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka kooban 12-xubnood, kuwaasi soo dhaweynaya, ugana warbixiya mashaariicda ka socota Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan wafdiga oo ka socda Dalalka Talyaaniga iyo Sweden.

Sidoo kale Guddigaan ayaa wafdiga ay hoggaaminayaan Safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Sweden ee Soomaaliya uga Warbixinaya baahiyaha horumarineed ee dhanka bulshada ka jira deegaanada Hirshabeelle

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kusii jeeda wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta oo ay kamid yihiin Safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Sweden, kuwaasi oo saacadaha soo socda halkaas tegi doona.