AMISOM Oo Ciidanka Dowladda U Gacan Galisey Saldhig Al-Shabaab Lagala Wareegay

0

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, ayaa maanta ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka saldhigga Maryan Gubaay, kaasoo kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, hataan wixii ka danbeeya ammaanka saldhigani waxaa sugi doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Xafladan kala wareejinta saldhiga, ayaa waxaa kasoo qeyb galey guddoomiyaha gobolka ShabeelahaHoose Cabdulqaadir Siidii, iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Baraawe Ibraahim Cabdulnuur, oo ah halka uu ku yaallo saldhigani.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii uggu danbeeyey ka wada dhaqdhaqaaqyo balaaran gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalya, iyagoo dagaallo badan oo ay la galeen dagaal yahanada al-Shabab ku sheegtay iney goobo badan kala wareegeen al-Shabab.

Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah dagaalka ay ciidanka xoogga dalka kula jiraan dagaal yahanada al-Shabab.