Xilliga La Aasayo Madaxweynihii Hore Ee Zambia Oo La Shaaciyey

0

Madaxweynihii asaasay dalkaasi, Kenneth Kaunda oo Khamiistii hore geeriyooday ayaa la filayaa in la aaso bilowga bisha soo socota ee July.

Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Zambia waxaa lagu sheegay in Maydka Madaxweynihii hore la aasi doono bisha July 7-da oo ku beegan 3 isbuuc kadib geeridiisa.

Khudbad ay Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, Innonge Wina ka jeedisay Telefishinka dalkaasi waxay tilmaamay inuu Kenneth Kaunda ahaa Geesi halgan kaga soo horjeestay Gumeystihii Caddaanka ee xukumayey dalkaasi.

Waxay intaasi ku dartay in Munaasabad khaas u ah Qoyskiisa iyo xubno la soo xulay ka qeyb geli doonaan Aaska Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Kenneth Kaunda oo da’da 97 jirka ku geeriyooday.

Waxaa lagu aasi doonaa Qabuuraha Madaxtooyadda oo u dhow Xafiiska Golaha Wasiiradda ee Zambia oo ku yaalla Caasimadda dfalkaasi ee Lusaaka.

Sidoo kale waxaa la dhigi doonaa Munaasabad Xasuus iyo Baroor-diiq oo bisha July 2-da lagu qaban doono Garoonka Geesiyaasha Qaranka oo qaadi karta 60,000 oo kursi

Hoggaamiyayaal Shisheeye ayaa laga yaabaa inay ka qeyb galaan Aaska Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Kenneth Kaunda.