Wafdi Ka Socda Haya’adda Caafimaadka Aduunka Oo Gaaray Galmudug

0

Mas’uuliyiintan oo ka socota Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, uu na hoggaaminayo Dr. Jamaal oo ah madaxa maleria-da hey’addaasi ayaa maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb iyagoo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ka caawinaya dhaqaajinta mashaariicda caafimaad Galmudug hore u dalbatey.

Wafdigan oo ka koobnaa farsamo-yaqaano iyo khubaro Caafimaad ayaa kormeeray xarunta Caafimaadka Xanaano ee Dhuusamareeb gaar ahaan qaybaha, Hooyada iyo dhalaanka, qaybta bukaan jiifka, qaybta talaalka iyo qaybta oxygen-nada oo dhamaantood adeeg dhameystiran siiya bulshada ku nool Dhuusamareeb iyo deeganada ku xeeran.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimo waaxeedyada ayaa kulan kula yeeahay Mas’uuliyiiinta WHO xarunta Wasaaradda Caafimaadka, halkaa oo lagu wadaagey xogta Caafimaad ee Galmudug iyo baahiyaha waaweyn ee wax ka qabashada u baahan.