RW Rooble Oo Shir Isugu Yeeray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu madaxda maamul goboleedyada ku marti-qaadayo inay kasoo qaybgalaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho 27-ka bishan June.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in shirkaas la isku waraysan doono hawlihii ka qabsoomay arrimaha doorashaooyika tan iyo into la gaaray heshiiska doorashada, 27-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga hadli doono dardargelinta shaqooyinka harsan.

Heshiiska la gaaray bishii horey ayaa dhigayey in Ra’iisul Wasaaruhu uu lahaado doorka hoggaaminta doorashada iyo amnigeeda, taasi oo horey uu madaxwyenaha Soomaaliya ugu xil saaray.

Dhowaanna Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhowaaqay liiska kama dambaysta ah ee guddiyada isbeddelka lagu sameeyey ee doorashada heer federal iyo heer goboleed, kuwa beeelaha Somaliland, Banaadiriga iyo guddiga xallinta khilaafaadka.

Hehsiiska 27-kii May la gaaray ayaa dhigayey inay Soomaaliya doorashadu uga dhacdo muddo 60 maalmood gudahood ah.