Muran Hareeyay Doorashada Itoobiya Iyo Walaac Laga Muujiyay Guddiga Doorashada

0

Guddiga doorashada ee Itoobiya, ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan cabashooyinka la xiriira in wax is daba marin ay ka dhaceen goobihii codka laga dhiibanayey, sida ay soo gudbiyeen xisbiyada mucaaradka.

Wakiilo ka socda xisbiyada mucaaradka, ayaa soo tabiyey in laga hor istaagey indha indheynta goobihii codka laga ridayey ee gobolka Amxaarada, iyo kuwa kale ee gobolada koonfurta.

Dr Desalegn Chane, oo ah murashax ka socda xisbiga qaranka ee Amxaarada, ayaa ku sifeeyey xaaladda goobihii codka laga dhiibanayey iney ahaayeen kuwo adag, isagoo intaa ku darey iney jiraan mararka qaarkood waxyaabo sharciga lid ku ah.

Berhanu Nega, oo kamid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa sheegay iney jiraan wax is daba marin, iyadoo dhacdooyin kaasi aanan lagu qiimeyn Karin kuwo waa weyn.

Berhanu wuxuu intaa raaciyey in dhacdooyinka ka dhex dhacey doorashada inaaney saameyneyn natiijada doorashada. Xisbiyada mucaaradka qaarkood, ayaa qaadacey doorashadan, iyagoo sheegay in la xir xirey madaxdooda, dhibaatooyin kalana loo geystay.