Madaxweyne Saciid Deni Oo Amar Cusub Dul-Dhigay Hay’addaha Puntland

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Amar cusub oo ku socda dhammaan Golihiisa Wasiirada, Hay’addaha kala duwan ee Madaxa banaan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo kuwa degmooyinka Maamulka.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa waxaa Hay’addaha Puntland uu ku faray inay si buuxa u dhaqan-geliyaan Adeegsiga Afka Soomaaliga, isla markaana loo isticmaalo Qoraalada loo gudbinayo Bulshada.

Deni ayaa wareegtada ku caddeeyay in Adeegsiga Afka Soomaaliga loo isticmaalayo Qoraalada Xafiisyada, boorarka Shirkaddaha iyo farriimaha la gudbinayo , iyadoona amarkaas uu ku socdo Wasaaraddaha Hay’addaha kala iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo kuwa degmooyinka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, isla markaana muhiim ay tahay in la fuliyo amarka lasoo saaray.