Faah Faahin:-Haweeney Ka Tirsan Maamul Degmo Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Dabley hubeysan ayaa  gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Haweeney la sheegay inay la shaqeyneysay Maamulka degmadaas, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Rag watay Bastoolad ayaa la sheegay inay dileen Haweeneyda oo magaceeda lagu soo gaabiyay Suldaano, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Haweeneyda ay sigaar ah uga tirsaneyd Guddiga khilaafaadka Maxkamadda degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka degmada.

Xalay aheyd markii kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay agagaarka Aargada Deyniile ku dileen Guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Deyniile oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cabdulle Cismaan (Cabdi Juge).

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah raggii dilay Cabdi Juge isaga oo dhaawac ah, kadib markii Ciidanka ay Ninka rasaas ku fureen.