Cabdi Xaashi Oo Ka Digay Ku Dhaqanka Shuruuc Ay Ansixisay Xukuumadda Xilgaarsiinta

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa digniin ka soo saaray ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hey’addo sharci darrro uu ku sheegay, oo aan soo marin Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray Qoraal uu kaga hadlayo arrimahaasi ayaa sheegay in ay jiraan illaa lix sharci iyo hey’addo la ansixiyay intii ay jirtay Xukuumadda Xil gaarsiinta, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo sharciga baalmarsan.