Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Farriin U Diray Itoobiya

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku booriyey madaxda Itoobiya iney xaqiijiyaan in dhammaan codbixiyeyaasha ay ku dhiibtaan codkooda si xor iyo xalaal ah.

Wuxuu ka dalbadey dhammaan dhinacyada ku lugta leh iney ka fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara habsami u qabsoomidda doorshada.

Codeynta doorashada ayaa ka socoto Itoobiya inteeda badan, iyadoo bilaabay 06:00 aroornimo ee saaka. War fidiyeen kasocda BBC-da ayaa soo tabiyey iney arkeen safaf dhaadheer oo ay codbixiyeyaashu uggu jiraan doorashada magaalada caasimada Addis Ababa iyo magaalooyin kalaba.

Ma jiraan wax doorasho ah oo ka dhaceysa gobolka uu dagaalku ka socdo ee Tigreega, iyo maamulo kale oo ay ka dhaceen wax is daba marin iyo sahay xumo.