Xiliga Tababarka U Furmayo Guddiyadda Doorashooyinka Oo La Shaaciyay

0

Guddiga farsamada Arrimaha doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa faahfaahiyay Jadwalka iyo nooca tababarka ay qaadanayaan xubnaha Guddiyada doorashooyinka.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah xubnaha kooxda farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 27-ka bishaan Gudiyadda doorashooyinka uu u furmi doono tababar socon doona afar maalmood.

Sidoo kale Cumar Dhagey ayaa tilmaamay in tababarka la siinayo Guddiyada uu ku saabsan yahay qabsoomida doorshooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, iyadoona la isku keenayo dhammaan xubnaha oo haatan kala maqan.

Wuxuu hadalkiisa intaas uu kusii daray Abuukaate Cumar in la diyaarin doono qorshe hawl fulinta doorashooyinka iyo Jaadwalka doorashada, isla markaana Guddiyada la bari doono heshiisyada hagaya doorashada.

Si kastaba Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa dhammaan soo wada magacaabay xubnaha Guddiyada doorashooyinka ka shaqeyn doona, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loo guda galo howlaha doorashada dalka ka dhaceysa.