Soomaaliya iyo Cumaan oo xalay ciyaar adag ku dhexmartay Qatar

0

Xulalka Cumaan iyo Soomaaliya ayaa xalay dheelay cayaar ka tirsan Fifa Arab Cup oo lagu marti geliyay Dalka Qatar.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan, ayna u soo daawasho tegeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qatar ayaa qeybtii hore cayaarta lagu kala nastay 2-0 oo Cumaan ku hogaamineysay, inkasta Xulka Qaranka Soomaaliya ay iska lumiyeen fursado muhiim ah.

Qeybta labaad ee cayaarta ayaa markii la isku soo laabtay cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya waxa ay la yimaadeen ciyaar wanaag ay aad ugu riyaaqeen taageerayaasha Soomaalida ee cayaarta u soo daawasho tegtay.

Soomaaliya ayaa la timid gool aad u qurux badan oo Madax ah, kaasi oo cayaarta ka dhigay 2-1, inkasta oo ay labada dhinac heleen fursado wanaagsan ayaa cayaartooyda Xulka Qaranka waxaa soo martay daqiiqaddii ugu dambeysay ee cayaarta fursad ay cayaarta bar bar uga dhigi kareen balse Goolhayaha Xulka Cumaan ayaa kubadaas badbàadiyay, waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay guud ahaan 2-1 oo ay guusha ku raacday Xulka Cumaan.