Qaxooti Isugu Jira Soomaali Iyo Yemeniyiin Oo Gaaray Puntland

0

Waxaa habeenkii xalay aheyd Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa Dekadda Boosaas kusoo dhaweeyay qoysaska qaxootiga ahaa oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin oo tirro ahaan gaarayay 80 qoys, kuna tegay halkaas Doon.

Qoysaska Cusub ee qaxootiga ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay xarunta qaabilaadda ee Qaxootiga Puntland, isla markaana loo sameyn doono dib u-dejin, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Qaxootiga oo isugu jira Soomaali ah iyo Yemeniyiin, una badan Haween iyo Carruur yaryar ay kasoo carareen Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen.

Muddooyinkii u dambeeyay dowlad Goboleedka Puntland oo garab ka heysa hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UHCR iyo hay’adda Socdaalka Dunida ee IOM ayaa qaabilayay Qaxooti kala duwan oo kasoo cararay Colaada ka jira dalka Yemen.