Kenya oo sheegtay in ay ka hortagayso weerarada ka dhaca Mandhera

0

Masuuliyiin sare oo ka socday dowlada Kenya oo ay wehliyaan hogaamiyaasha magaalada Mandheera ayaa wacad ku maray inay sare u qaadayaan xiriirka ay la leeyihiin dadka degan Mandheera , si looga hortago weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gudoomiyaha gobolka waqooyi bari Kenya Nicodemus Ndalana ayaa u balan qaaday dadka deegaanka in dowlada ay la shaqeyn doonto dadka deegaanka si loo xaqiijiyo amniga magaalada Mandheera, kadib markii ay kordheen weerarada Al-shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shacabka iyo siyaasiyiinka gobolka Waqooyi Bari Kenya ugu baaqay in loo istaago sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Mandheere, islamarkaana gacanta loogu soo dhigi lahaa dagaalameyaasha Al-shabaab ee weerarada ka fuliya gudaha Kenya.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarinayaan ciidamo booliska ah,kuwaasi oo sugi doono amniga gobolka waqooyi bari Kenya.