Doorasho maanta ka bilaabatay Itoobiya

0

Codbixiyeyaasha Itoobiya ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, iyagoo dooran doona 547 xildhibaan.

Xildhibaan lasoo doorasnayo waxey ku biiri doonaan baarlamaanka federaalka dalkaasi, xisbigii uggu cod bataana wuxuu iska soo dhex xuli doonaa ra’iisal wasaaraha.

Tirada guud ee 547 goobood ee deegaan doorashada ee baarlamaanka, ayaa maanta oo isniin ah waxaan laga codeynayn boqol 102 goobood, iyadoo loo aaneeyey amni darro iyo wax is daba marin.

Deegaanka Tigreega 38 deegaan doorasho ayaaney ka dhaceyn doorasho, maadaama halkaasi haatan ay ka socdaan dagaallo.

Sidoo kale, deegaanada Soomaalida iyo Hararida ayaaney doorasho ka dhaceyn, iyadoo la qorsheeyey iney halkaasi doorasho ka qabsoonto bisha September ee inagu soo fool leh.

Doorashadan waa tii uggu horeysay tan iyo intii uu xukunka qabtey ra’iisal wasaare Abiy Ahmd sanadkii 2018-kii.