Xiliga Lasoo Bandhigayo Liiska Codbixiyaasha Hordhaca Puntland Oo La Shaaciyay

0

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah shaaca ka qaaday xilliga lagu dhawaaqayo Natiijada horudhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyaasha Degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Liiska hordhaca ah ee Codbixiyaasha degmooyinka lasoo bandhi doono 27-ka bishan Jun, isla markaana lagu soo bandhigi doono Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in xogta la xiriirta soo bandhigida Codbixiyaasha degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho ay la wadaagi doonaan dadweynaha oo ay xog kasta u soo gudbin doonaan.

Saddexdaas degmo ayaa waxaa si hordhac ah looga qaban doonaa sida uu qarshahu yahay doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo Codka.