Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriiska

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Waaare Rooble iyo Safiir Kate Foster ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Ingiriiska, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Rooble ayaa lagu xusay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka, kadib markii heshiis laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Safiirka dowladda Ingiriiska Kate Foster uga mahadceliyay dadaalka kala duwan ay ku dooneyso in dalka ka qabsoonto doorasho heshiis lagu wada yahay.