Dowladda Soomaaliya Iyo Gabon Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Iskaashi

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Antalya ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa dalka Gabon Mr. Pacôme Moubelet-Boubeya.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya dalalka, iyadoo sigaar ah diirada loo saaray wax ka qabashada arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya iyo Gabon.

Inta uu socday kulanka ayaa looga arrinsaday sidii loo heli lahaa aragtiyo ballaaran oo iskaashi laba geesood ah oo dhinacyo kala duwan leh, iyo in kor loo qaado heerarkooda si loogu adeego danaha labada dal iyo shacabka saaxiibka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Antalya ee dalka Turkiga uga qeyb galay shir ku saabsan sii xoojinta iskaashiga dhaqaale iee Turkiga iyo Afrika.