Liiiskii ugu horeeyey ciidamada loo qaadey dalka Erateriya oo la soo saaray.

0

Waxaa markii u horeysay si hoose loo soo dusiyay ama loo soo saaray xogta dhalinyaradii tababarka loogu dalka Eritrea, sida magacyada in badan oo iyaga kamid ah , magacyada hooyo, iyo macluumaadka nololeed.

Maalmo kahor waxaa la baahiyay in hogaan kamid ah taliska nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, ay si toos ah u bilaabeen sidii loo qancin lahaa waalidiinta ka wal walsan ubadkooda, iyo qorshaha socda ee lagula xiriirinayo.

Labadii maalin ee la soo dhaafay taliska nabad sugidda Soomaaliya ayaa ogolaaday in la bixiyo xogta dhalinyarada.

Taliyaha hogaanka dabagalka ee NISA, Cabdullahi Daahir ,Cabdullahi Dheere ayaa soo saaray oo xafiisada kale ee dowladda in la gaarsiiyo amray liis ay magacyada dhalinyarada la qaaday ah iyo macluumaadkooda.

Sarkaal sare oo NISA kamid ah kana gaabsaday in magaciisa la adeegsado ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Taliyaha Dabagalka uu Fasax buxa uga haysto Taliyaha Nisa Fahad iyo Ku xigeenkiisa Kulane  in uu xogtan Xafiiskiisa bixiyo

Lana hadlo Dadka shacabka ah kadib markii internetka gaar ahaan facebook lagu faafiyay nambarada Fahad iyo Madaxweynaha.

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in laba nambar loo diyaariyay si looga jawaabo cabashada waalidiinta, nambaradaas oo la tilmaamay in Cabdullahi Dheere uu u xil saaran yahay sidii waalidiinta loogu jawaabi lahaa,

Magacyada iyo macluumaadka  liiska  ku jira ee dhalinyarada Eritrea loo qaaday waxaa ka muuqda in qaar kamid ah wiilashaas ay dhasheen sanadkii 2002-ii taas oo ka dhigan in ay 19-sano jir yihiin, halka qaar kale oo badan ay yihiin 20-jiro inyarna ay u dhaxeeyaan 23- 25 jiro.