Kenya Oo Qaaday Tallaabadii Ugu Horreeysay Ee Dib U Soo Celinta Xiriirka Somalia

0

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Amb. Lucas Tumbo ayaa Maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 19-ka Jun 2021 dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Dib u soo laabshada ee Safiir Lucas Tumbo ayaa ah tallaabadii u horeysay ee Kenya u qaaday soo celinta xiriirkii diblomaasiyadda iyo dib u furida Safaaradeeda Muqdisho muddo lix bil kaddib oo labada dal xiriirkooda xumaa.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirkii kala dhexeeyay Kenya, kadib markii uu xumaaday, xili bishii April ee sanadkaan 2021 xiriirka labada dal ay dib u soo celisay Qatar.

Ergada Diblomaasiyiinta dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda dib laabtaan Nairobi, si ay iyagana dib uga furaan Safaaradda, loona bilaabo howlihii diblomaasiyadda.

Si kastaba xiriirka u dhexeeyay labada dowladdood ayaa dhowr jeer xumaaday, waxaana ugu dambeysay, kadib markii dhawaan Kenya ku dhawaaqay inay joojisay duulimaayadii uga imaanayay Soomaaliya, balse maalmo kahor ayey dib u furtay.