Jabuuti Oo Codsi U Dirtay Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti Mxamuud Cali Yuusuf oo Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Warbaahinta SPUTNIK ee laga leeyahay dalka Raashiya u sheegay inay doonayaan in dalalka Afrika joogitaan dheeraad oo Caddaalad leh ku yeeshaan xubnaha Golaha Ammaanka ee QM.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay inay doonayaan inay arkaan Golaha Ammaanka ee QM oo Isbedel lagu sameeyey iyo inay dalalka Afrika joogitaan dheeraad ah ku yeeshaan Golahaasi.

Baaqa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu ku soo beegmay hal sano kadib, markii Dowladda Jabuuti looga guuleystay Kursiga Golaha Ammaanka ee QM oo ay Kenya ku wada tartameen, iyadoo Kenya heshay 129 Cod, halka Jabuuti ka heshay 62 cod.

193-ka Waddan ee xubnaha ka ah Golaha Guud ee QM waxay sanad kasta doortaan 5 dal oo xubno aan joogto ahayn ka noqda 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM

Toddobaadkii la soo dhaafay, dalalka Ghana iyo Gabon waxay  ka mid noqdeen dalalka xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ka mid noqon doona sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka.