Al-shabaab oo madaafiic ku garaacay deegaanka Biya cadde

0

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay xalay ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Biya cadde ee gobolka shabeelada dhexe.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda la sheegay in AL-shabaab ay halkaas ku garaaceen.

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolkaas ayaa howlgalo ka wada deegaanka Biya cadde ee shabeelada dhexe.

Shalay deegaanka Biya cadde ayaa waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada  xoogga ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Weerarkas ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle.

Dagaalamayaasha AL-shabaab ayaa sheegtay ma’suuliyada weerarkaas lagu qaaday saldhiga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biya cadde ee gobolka shabeelada dhexe.