Madaxda Galmudug Oo Kulan Yeeshay Magacaabista Guddiyada Doorashada

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudu Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Labada Mas’uul ayaa wadatashi ka yeeshay soo dhamaystirka Guddiyada doorashooyinka ee Galmudug ugu metelada Guddiyada doorashooyinka dalka iyo isku shaan-dheynta la sheegay in lagu sameeynayo Golaha Wasiirada Maamulka.

Inta uu socday kulanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa ayaa looga arrinsaday Arrimaha doorashooyinka ee heshiiska laga gaaray iyo dardargalinta la dagaalanka Al-shabaab .

Axmed Qoorqoor oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho ee Caasimadda dalka uga qeybgalay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonto.