Hogaanka Dabagalka NISA oo Qorshe Cajiib asameeyey, iyo liiska ciidamadii loo qaadey Eretariya.

0

Iyadoo wali uu taagan yahay guuxa dhalinyaradii loo qaaday Eriteriya islamarkaana ay socdaan dibad baxyada waalidiinta ayaa hogaanka Dabagalka NISA waxaa uu sameeyay Qorshe Cajiib ah iyadoo uu soo bandhigey liiska ciidamadii loo qaadey Eretariya.

Teliyaha Dabagalka NISA Cabdullahi Dheere oo sidoo kale File-ka madow loo yaqaan ayaa lasheegey in uu amar ku bixiyey in lasoo bandhigo dhamaan macluumaadka kusaabsan dhalinyaradii loo qaadey dalka Eretariya si waalidiinta soomaaliyeed ay u helaan xogo kusaabsan caruurtooda.

ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in Masuulkan uu wado qorshe lais kugu xirayo waalidiinta iyo caruurtooda ee tababarka loo qaadey. sarkaal katirsan xafiiska Dabagalka NISA ayaa laga soo xigtey in Teliyaha Dabagalka Col.

Cabdullahi Dheere uu iibiyey 200 mobile kuwaas oo loo qeybin doono ciidamada kusugan dalka Eretariya si ay waalidiintooda ugula soo xiriiraan.

Teliyahan oo aad ugu dhow madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaadey ayaa aaminsan in ay culeys siyaasadeed ku noqon doonto dib Doorashada MD Farmaajo hadii aan jawaab waafi ah laga bixin arimahan. war hoose ayaa sheegaya in goordhow lasoo badhigi doono telefoono loogu jawaabayo cabashada waalidiinta laiskuna xirayo waalidiinta iyo ilmahooda.

Xogta hoose ee la helayo waxay tilmaameysaa in arintan ay culeys weyn ku noqotay dowladda, waxaana la rumeysan yahay in ciidamadan uu markii hore kaalin weyn kulahaa Korneyl Cabdullahi Daahir, Cabdullahi Dheere,

Taliyaha hogaanka dabagalka ee NISA ayaa dagaal wajiyo badan leh galay mudooyinkii danbe isagoona ka danbeeyay falal lagu weeraray xubnaha mucaaradka.

Macluumaadkan durba sida hoose loo faafiyay ee uu amarka ku bixiyay Korneyl Cabdullahi Dheere ayaa waxaa ka jira khilaaf xagga hey’adda nabad sugidda ah iyo gudiga uu Ra’iisal wasaare Rooble u magacaabay.

Wali lama hayo tirada rasmiga ah ee askarta tababarka loo qaaday ee wal walka badan laga qabo, hase ahaatee waxay saraakiishu sheegeen in ay ka badan yihiin 6,000 (Lix kun oo dhalinyaro ah).

Qaramada midoobey, saraakiil hore oo amniga ah iyo madaxda mucaaradka ayaa dhamaan isku raacay wararka ah in ciidamadaasi laga qeyb galiyay dagaalkii Itoobiya ee gobolka Tigree, inkasta oo ah dowladdu been abuur ku tilmaantay.

Waalidiinta ayaa ku farxi doona haddii qorshahan laga dhabeeyo ee la soo bandhigo magacyada askarta maqan iyo taleefano lagala xiriiro.