RW Rooble “MW Farmaajo iyo Musharax Kheyre waa ii siman yihiin”

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku soo dhaweynayeen hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka, taasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Deyniile.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dalka doorasho aaday, isla markaasna uu ka shaqeyn doono sidii doorashada ay caddaalad u noqon laheyd.

“Aniga dhankeyga, ka ra’iisul wasaare ahaan waxaa ka shaqeyn doonaa doorasho caddalad ah- waxaan tusaale u soo qaadanayaa, haddii ay tartamayaan RW hore Xasan Cali Kheyre oo musharax iyo Madaxweyne Farmaajo waa ii siman yihiin” ayuu yiri RW Rooble.