Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday Buula burde.

0

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhiga booliska degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isku dayeen in ay xoog ku soo furtaan mid ka mid ah kooxda macawiisleyda ee halkaasi ku xirnaa.

Wararka ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawiisleyda eek u sugan degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Wariyaal ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaankaay iska caabiyeen weerarka, isagoona sheegay in ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmada Buula burde  ay weerar ku qaadeen saldhiga booliska degmadaasi, inkastoo weli uusan maamulka arrintan ka hadlin.