Qaramada midoobey oo ka digeysa Macluul ka dhacda Wadanka Maynmar.

0

Qaramada Midoobay waxaa,ay ka digeysaa ‘dhimashada tirada badan’ ee Myanmar kadib 100,000 oo qof ay ka qaxeen dagaalada iyo Xasiloonindarada ka jirta Dalkaasi Maynmar.

UN waxay sheegtay in dadka ka cararaya ‘weerarada arxan darada ah ee aan kala sooca lahayn kuwaas oo ay geysaneyaan Xoogaga Qaranka Maynmay iyo Kooxo kale oo iyaguna ka soo horjeeda Militeriga Afgembiga sameeyey.

Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in dhibaatada ka taagan bariga gobolka Kayah ay dadka ku riixi karto xuduudaha caalamiga ah iyagoo raadinaya badbaado.

Tom Andrews, oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Myanmar, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto Dhibaatooyiinkaan caalamiga ah ee halkaa ka jira.

Waxaana uu sheegay in weerarada militariga “ay qatar ku yihiin nolosha kumanaan kun oo rag, dumar iyo caruur ah, Si gaar ah kuwa kunol Gobolka Kayah.