Guddoomiye Filish iyo Taliska booliska oo ka hadahadlay sugiga amniga ee Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay Amniga Guud ee Caasimada iyo u diyaar garowga Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaaray xoojinta Nabadgelyada Gobolka Banaadir, ayna dar dargeliyaan howlgallada lagu adkeynayo amniga, maadaama todobaadka xoriyadda ay nagu soo fool leedahay.