DFS oo cadaadis kala kulmeysa waalidiinta caruurta ay ku maqan yihiin Eritrea

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmeysa waalidiinta iyo dadweynaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan tiradooda la xaqiijin karin oo tabarbar loogu diray waddanka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka ka socda Itoobiya.

Waalidiinta ay ka maqanyihiin dhallinyarada ciidanka loo qoray ee la la’yahay ayaa eedeeyay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo, kaas oo iska fogeeyay eeddan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay la hadasho waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda, islamarkaana tababarka looga qaaday dalka Eritrea.

“Waxaan ka walaacsannahay Warbixinta ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka ee ka hadlaysa xaaladda askarta Soomaalida ee loo qaadey Eritrea ee lagu sheegey ku lug lahaanshaha dagaalka Ethiopia.”

“Waxaan ku baaqeynaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo halkii ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas, iyadoo aan Xukuumadda usoo jeedinayno inay ka jawaabto baaqyada waalidiinta ubadkoodu maqan yihiin oo warbixinta lagu sheegey in ay qayb ka noqdeen dagaallo ka dhacay magaalada Agsum ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.Ugu dambeyntii waxaan walwalka la qaybsanaynaa waalidiinta iyo ehelka dhalinyaradaas la la’yahay, waana arrin ay tahay in mas’uuliyaddeeda lagula xisaabtamo madaxda dowladda ee ka dambeeyey falkaas foosha xun.”

Sidoo kale Arrintan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka falceliso cabashada ay muujiyaan waalidiinta Soomaaliyeed.

“Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas. Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa!Sidookale, markale ayaan ku celinayaa in Dowladda FS laga sugayo iney ummadda u run-hadasho haddii ciidan tababar u baxay loo adeegsaday danno ka baxsan midda Qaran ee loo diyaarinayay.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.