Xukuumadda Oo Q/Midoobey Kala Hadashay Qoonddada Haweenka Soomaaliyeed

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan fogaan arag ah la yeelatay Wakiilka gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka u dhexeeyay Wasiir Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka gaar ahaan qoonddada Haweenka Soomaaliyeed 30%.

Sidoo kale Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha ayaa ka warbixisay halka ay wax marayaan iyo sida ay ugu go’an tahay xaqiijinta kuraasta Haweenka ee doorashada soo socota.

Danjire James Swan ayaa xaqiijiyay taageerada ay u hayaan ololaha wasaaradda haweenka ee ku aadan ka qeybgalka haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaan ilaalinta Xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka Xaniif Xaabsade ayaa dhawaan Muqdisho ka hirgelisay Xarun loogu ololeeyo Xuquuqa Haweenka ee Doorashada Golayaasha Dowladda, si ay Haweenka door ugu yeeshaan doorashada dhacaysa.